Hawiye

Hawiye  waa beel ka mida qabiilada Soomaalida, kuwaasi oo ku dhaqan deegaano ka tirsan wadanka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiinya. 

Deegaanka Beelaha Hawiye

Beelaha Hawiye waa mid ka mid ah beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed, waxayna ku baahsan yihiin gobollo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Kiinya.

Deegaannada Soomaaliya

Hawiye waxay degaan gobollo badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah:

  • Shabeellaha Dhexe – Beesha Abgaal ayaa si gaar ah ugu badan gobolka.
  • Hiiraan – Beelaha Xawaadle iyo Gugundhabe ayaa ugu badan.
  • Mudug – Beelaha Habargidir iyo Abgaal ayaa deggan inta badan degmooyinka gobolka.
  • Galgaduud – Beelaha Habargidir, Abgaal, Murusade, iyo Duduble ayaa deggan inta badan degmooyinka gobolka.
  • Jubbada Dhexe – Beesha Sheikhaal ayaa qeyb ka dagta.
  • Shabeellaha Hoose – Beelaha Abgaal, Murusade, Wacdaan, Sheikhaal, iyo Habargidir ayaa ku leh deegaanno kala duwan.
  • Bakool – Beesha Jijeele ayaa ka mid ah beelaha halkaas ku nool.
  • Sool – Meelaha ay ka dagaan waxaa ka mid ah Adhicadeeye iyo Qaraaro, halkaas oo ay ku nool yihiin beelaha Fiqishini oo ka tirsan Habargidir.

Deegaannada Itoobiya

Sidoo kale, beelaha Hawiye waxay degaan qeybo ka mid ah dalka Itoobiya, gaar ahaan gobollada:

  • Faafan – Beelaha Karanle iyo Sheikhaal ayaa ku nool degmooyinka Baabile iyo Gursum.
  • Sitti – Beesha Gugundhabe ayaa ku nool deegaannada Ma’ayso iyo Goljano.
  • Liibaan – Beelaha Dagoodi iyo Karanle ayaa deggan Filtu, Boqolmaayo, iyo Qarsaduula.
  • Afdheer – Beelaha Dagodia iyo Sheikhaal ayaa ku nool Doolo Baay iyo Raaso.
  • Erer – Beesha Murule ayaa ku sugan Maayu Muluqo iyo Qubi.
  • Shabelle – Beesha Jidle ayaa deggan Mustaaxiil iyo Feerfeer.

Deegaannada Kiinya

Hawiye waxay sidoo kale degaan gobollo ka mid ah dalka Kiinya, oo ay ka mid yihiin:

  • Wajeer – Beelaha Dagoodi iyo Ajuuraan ayaa ku nool.
  • Mandhera – Beesha Murule ayaa deggan.

Beelaha Hawiye waxay ka mid yihiin beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed ee leh taariikh dheer iyo deegaan ballaaran oo ka baxsan xuduudaha Soomaaliya. Waxay door muhiim ah ka qaataan nolosha bulshada iyo horumarka deegaannadooda.